Magangelyo, daryeelka asaasiga ah iyo xaqa negaanshaha

Waamaxay codsi magan galyo?

Qofwaliba wuxuu dal ka codsankaraa magangalyo.
Markaad dalbanayso magangalyo. Taasi macnaheedu waa magangalyo codsasho.
Waxaad aadaa booliiska Awsteriya(Austria) oo ku dhahdaa: waxaan rabaa magangalyo
Taasi waa codsigaaga megengelyo doonka.
Ta kaliya ee boolisku rabaa waa inuu fahmo inaad magangalyo ka rabto dalka Awsteriya.

Waamaxay magangalyo?

Magangalyo waa in laga nabadgalo raadsasho ama dabajoog faldanbiyeed.
Magangalyo macnaheedu waa inaad joogi karto dalka Awsteriya mudo 3 sano.waxaad heli doontaa “deganaansho kukooban 3 sano “
Waxaad heliysaa kaadh buluug ah.kaadhka buluugani wuxuu caddaynayaa in magangalyo lagaasiiyay dalka Awsteriya.
Waxa laguu ogolaaday inaad ka shaqayso Awsteriya.
Haddaad doonayso inaad u safarto dalal kale? Dalbo dalku galka ama baasaboorka janeva
(“Konventionsreisepass”).
Digniin: Markaad basaboorka jeneva qaadato waxaad u safri kartaa dal kasta marka laga reebo dalkaagi hooyo.
Maxaa dhacaya 3 sano kadib?

  1. Awsteriya waxay hubinaysaa inaad wali u baahantahay magangalyo.
  2. Awsteriya waxay hubinaysaa inaad fal danbiyeed wayn ka gashay. Haddaad fal danbiyeed xun gashay
  3. Awsteriya waxay kaala noqonaysaa/ceshanaysaa magangalyada ay hore kuu siisay.

Kawaran haddaad wali magangalyo u baahantahay wax faldanbiyeed oo xun na aanad galin? Waxa lagu siin doonaa deganaansho waarta (“unbefristetes Aufenthaltsrecht”) markaana waxaad ku noolaan kartaa kana sahqaysan kartaa Awsteriya waligaa.

Waa maxay sababta qofka magangalyo loo siiyo?

Qofka waxa la siiyaa magangalyo, hadduu buuxiyo Laba arrimood
Digniin: labada arrimood waxay u baahan yihiin in lawada buuxiyo
Arrimuhu waa:
Magangalyo waxa kaliya ee lasiiyaa dadka khatarta ku jira, halis ku sugan, ama lagu dhibay dalkoodi hooyo. Si magangalyo laguu siiyo, waa inaad ka baqday in dhibaato laguu gaysto sabab uun darteed. Waxa kale ee magangalyo lasiiyaa dadka naftoodu shaqsiyan halista ku sugantahay dalkooda hooyo dhexdiisa.

„Dhibbane sabab uun darteed“ macnaheedu waa sababaha laguu dhibi karo waa 5 arimood midkood waa:

  • Qowmiyad/koox:
    Tusaale ahaan: hadaad ka soo jeedo qomiyada Somaliya la haybsooco sida Madhibaan,Jareer iyo wixii lamida ama qowmiyada dunida laga hayb sooco sida Yasidi, Kurdis, Rohinga. Haddii aad halis caafimaadarro iyo daawo la`aan ku sugantahay ama khatar aad ku sugantahay sababtoo ah waxaad ka soo jeedaa qowmiyad ama koox la haybsooco.
    Digniin: ka waran haddii aanad khatar sahqsiyadeed ku jirin? Kawaran haddii qowmiddaada oo kaliya halis ku sugantahay?
    Taasi ma aha sabab magan galyo.
    Waa inaad halis ku sugantahay.
  • Diin
    Tusaale ahaan : waxaad tahay qoys muslin ah/ islaan ah oo aad doonayso inaad diintaad ku kudhaqmin ama aad noqoto kiristan/ kaatolik.
    Haddii aad ku noqoto dalkaagi hooyo, aad khatar ku galayso.
  • Dhalasho
    Tusaale ahaan: hadii aad kasoo jeedo dad laga tirabadanyahay oo dal kale ka yimi. Sababtaasi, oo dalkaagi aanu ku siinayn baasaboor oo arrintaasi halis kugu tahay.Tusaale kale: Booliska kuma caawiyo adiga dhalashadaada darteed.
  • Hadii aad ka tirsantahay koox gaara oo bulshada kamida
    Tusaale ahaan: Hadii aad tahay khaniis (aad tahay nin oo aad jeceshahay ragga. Aad tahay naag jecel naagaha). Oo dalkaaga hooyo khaniisiintu khatar ku suganyihiin.
    Tusaale kale: in dalkaaga hooyo dumarka lagu qasbo in ay maraan gudniinka fircooniga ah.
  • Fikir siyaasadeed
    Tusaale ahaan: hadii aad dhaleecayso dawladdaada/ maamulka dalkaaga ka taliya. Aad muujiso fikir siyaasadeed.
    Tani waa sababta laguugu hanjabay aad khatarta ugu jirto.
    Tusaale ahaan: aad ka qaybqaadatay bannaanbax.oo boolisku uqaato in aad taageerto koox siyaasadeed/siyaasi. In dhab ahaantii aanad taageerin koox siyaasadeed/siyaasadeed. Sikastaba ha ahaatee haddaad wadankaagi ku noqoto aad khatar gali karto.

“Halis shaqsi ahaaneed“ macnaheedu waa:
Inaad shaqsi ahaan khatar ama dhibaato kugu hayo gobolku.Tani waxa looga jeeda: In aad dalkaaga hooyo laguugu handaday ama hanjabay laga yaabee booliiska, maliishiya, taliska dadwaynaha.
Tusaale 1: hadii aad dhaleecayso dawladdaada, aad jeel gashay oo booliisku ku jirdilay.
Tusaale 2: hadii aad moodaysay inaad ku biirto ciidanka ama u dagaalanto koox gaara.aad diiddo inaad u dagaalanto koox laakiin lagugu qasbo.
Tusaale 3: hadii aanad awoodin inaad u labisato sidaad doonayso oo aadna sidaa samayso aad galayso halis ama dhib.
Tusaale 4: Haddii aan laguu ogolayn Sayga aad dooratay ama xaaskaaga.
Tusaale 5: Hadii iskuul alaguu ogoleyn aad aado sababtaana laguugu hanjabo.
Waxa kale oo suurogal ah in aan lagaa dacwayn maxakamadda gobolka (Ciidanka, Malashiaya ama cid kale). Halkii aad ka dacwaysantay qof gaara oo gobolkuna aanu ku ilaalin karin.
Tusaale ahaan: haddii dariskaagu uu rabo inuu ku dhibaateeyo. Aad u tagto booliiska laakiin booliisku aanu ku ilaalin karin.
Tusaale kale: haddii odaygaaga ama xaaskaaga kuugu hanjabo dil. Booliskuna aanu ku caawinaynin.
Digniin: Si magangalyo laguu siiyo waxa waajib ah inaad tusto labadaba.In aad ka cabsi qabto sababkamida sababaha kor ku xusan oo aad shakhsi ahaan halis ku sugantahay sababtaa darteed.

Waa maxay badbaado caalammi (magangelyo beniaadan nimo “Fiiso”)?

Maxaa dhacaya haddii aan lagu siin magangalyo, laakiin ay kahatar wayn la kulmayso haddaad dib ugu laabato dalkaaga hooyo.
Arrintaas, aad ku heli doontaa badbaado/magangalyo beniaadan nimo.
Haddi aad qaadato magangalyo beniadan nimo, waxaad joogi kartaa Awsteriya muddo Halsano ah.
Waxa lagu siin doonaa 12-bil joogitaan degenaansho ah (“Degenaansho hal sano keliya ah).
Waxa lagu siin doonaa kaar dameeri ah/shamiito ah (kalarka buluuga biya biyaha u eg). Kaar kaasi waa aqoonsigaaga.
Waxa laguu ogolyahay inaad shaqaysato
Waxaad ka dalban kartaa baasaboor nooca muwaadiniinta dalka saddexaad (“Fremdenpass”).
Baasaboorkas (“Fremdenpass”) waxa laguu ogolyahay inaad ku safri kartid
Laakiin: waxa aan laguu ogolayn inaad u socdaasho dalkaagi hooyo!
Halsano kadib, Awsteriya waxay kuu kordhin kartaa magangelyada beniaadan nimo.
Muhiim: Waa inaad dalbato kordhinta kahor intaan waqtigii magangalyadu kaa dhamaan.
La hadal Abuukaatahaga/Looyarkaaga ugu yaraan 2 bilood kahor intaanu Fiisada kaa dhicin.

Maxaa xaqa ah inuu ku nagaado (“Aufenthaltsrecht aus berücksichtigungswürdigen Gründen”; short: “Bleiberecht”)?

Maxaa dhacaya haddii aan lagu siinin magangelyo/ilaalin, laakiin si wanaagsan aad u dhex gashay bulshada reer Awsteriya?Waxa laga yaabaa inaad ku negaato Awsteriya. Taasi badanaa waxa la yirahdaa “ xuquuqda ku negaanshaha“
Awsteriya waxay hubinaysaa ama baareysaa inaad siwanaagsan u dhexgashay bulshada.
Waxa lagu waydiin doonaa:

  • Muddo intee leeg ayaad ku nooshahay Awsteriya?
  • Miyaad qoys ku leedahay Awsteriya? Waamaxay nooca deganaanshaha, ogolaanshaha ee qoyskaagu haystaa? Ma lahayd wax carruur ah ama xaas kahor intaanad codsan magangelyada? Amase ma bilowday inaad qoysyeelato intaad ku guda jirtay codsiga magangelyada markaasoo aanad ka warqabin inaad joogi doonto Awsteriya iyo inkale?
  • Mashaqaysaa?
  • Maleedahay saaxiibo reer Awsteriya ah?
  • Sideed u taqaan lugadda Jarmalka?
  • Majirtaa koox aad ka tirsantahay ama guruub bulsho? Maka qayb qaadataa dhaqdhaqaaqyada bulshada?
  • Ma jiraa wax faldanbiyeed ah oo kuu galay diwaaka Awsteriya? Ma burisay/jabisay sharciga Awsteriya?
  • Maxay noqonaysaa xaaladdaadu dalkaagi hooyo, wax qoys ah se dalkaagi hooyo ma kuujiraa?
  • Ma awoodi kartaa inaad ku noolaato ama ka shaqaysato xaggaa iyo dalkaagi hooyo? Maku hadashaa afsomaliga?

Waraysiga koobaad waraysiga ugu horreeya

Waa maxay Waraysiga koobaad waraysiga ugu horreeya?


Waxaad codsiga arjiga magangelyo doonka labuuxinaysaa booliiska.
Booliiska ayaa kula hadli doona kaasi waxa la yirahdaa waraysiga kalamiiridda ama warysiga koobaad (“Erstbefragung”).
Booliiku wuxuu ku waydiin doonaa:

  • Magacaa?
  • Goormaad dhalatay, xaggee ayaad se ku dhalatay?
  • Waamaxay dhalashadaadu?
  • Sideed Awsteriya kutimid?
  • Waa maxay sababta kaa keentay dalkaagi?

Booliisku wuxuu si guud mar ah kuu waydiin doonaa waa maxay sababta aad magangelyo u rabto. Halkaa waxa jiri doona waraysi labaad.
Waxaad ku hadli doontaa luqadaada hooyo.
Waxaad kuhadli doontaa luqadaada.booliiskuna wuxuu ku hadli Afka Jarmal.
Turjubaankuna wuxuu turjumayaa waxakasta. Turjubaanku wuxuu kugu caawin doonaa inaad warranto.
Digniin: maxaa dhici kara haddaad fahmi kari waydo turjubaanka? Usheeg booliiska.
Waa lagama maarmaan inaad fahanto turjubaanka. Booliisku wuxuu raadinayaa turjubaano kale in laguugu yeero.

Tani waa xaqaaga.
Waad hadli doontaa. Booliisku wuxuu ku qoridoonaa wax walba Afka Jarmal. Taasina waa qoraal kaydsan.
Taasi waxa la yiraahdaa “Niederschrift”.
Marka uu waraysiga koobaad dhamaado, turjubaankaagu wuxuu turjumi doonaa qoraalkii lagaa buuxiyay ee kaydsanaa.
Turjubaanku wuxuu Soomaali kuugu akhrin doonaa qoraalkii kaydka ahaa.
Haddii wax khalad ahi ku jiro usheeg turjubaanka iyo booliiska. Dheh: tani waa khalad, fadlan iga sax.
Haddii waxa kamaqanyahay usheeg turjubaanka iyo booliika. Dheh waxaan iri waxaan ku xusnayn qoraalkan.

Digniin: Qoraalka kaydsane waa in uu saxanyahay. Waa in uu ka koobanyahay waxkasta oo aad tiri. Taasina waa xaqaaga.

Guriyayn/gurisiin

Waxaan ku guda jiraa hawshii magangelyo doonka. Xaggee ayaan ku noolaan karaa/ degi karaa.

Inta hore, waxa aad joogi doontaa xarunta magangelyo doonka.
Dakhtar ku eegi baari doona. Xanuun miyaa ku haya? Miyaad bugtaa? Usheeg dakhtarka!
Laga yaabo inad saacado yar sugtid.
Waxa lagayaabaa inaad ku sugnaato xarunta magangelyada dhowr bilood.
Kadib waxa laguu rari doonaa guri ama aqal.

Adigu madooran kartid meesha laguu warejinayo aad ku noolaaneyso.
Waa in aad sii joogtaa gurigaa inta aad kuguda jirto howsha magangelyo doonka uu ka dhammaanayo.
Waxa jira guryo gaar ah oo loogu talagalay qoysaska.
Waxa jira guryo gaar ah oo loogu talagalay dumarka aan laqabin.
Waxa jira guryo gaar ah oo loogu talagalay dadka naafada ah.
Waxa jira guryo gaar ah oo loogu tala galay dadka ka da`dooda kayartahay 18 sano ( dhalinyarta ka yar 18 sano).

Dinging: Qofkasta oo ku nool Awsteriya waxa lasiinayaa shahaadada diiwaan galinta (“Meldezettel”). Ciwaankaaga ayaa ku qoran shahaadadan.
Maamulka diiwaan galinta ee loo yaqaan “Meldeamt” ayaa kuu diiwaan galin doona ciwaanka aad Awsteriya ku leedahay. Waa muhiim in aad siisid ciwaanka saxda ah.
Maxaa dhacaya haddii aad guurtay? Maxaa dhacaya haddii aad ciwaan cusub yeelatay? Utag “Meldeamt” (dowlada hoose) si dhaqsa ah. Usheeg ciwaan kaaga cusub? Waxay ku siin doonaan shahaadada diiwaan galinta oo cusub.
Maxay muhiim utahay in shahaadada lagu qoro ciwaanka saxan?
Bal qiyaas: waxa aad ilowday inaad u sheegto maamulka (dowlada hoose) diiwaan galinta ciwaankaaga saxda ah.
Maamulku wuxuu hayaa oo kaliya ciwaan kaagi hore.
BFA ( Hayada uqabilsan qoxootiga Awsteriya) waxay ku soo diri waraaq kasta oo muhiim ah ciwaankaagi hore. Oo adna ma heli doontid waraaqdaasi muhiimka ah. Ama waraaqda goor danbe ayaad heli oo waxaad seegi ballan muhiim ah. Tani ma wanaagsana. Hubi boostadaada maalin kasta.

Waxaan rabaa inaan la noolaado qoyskayga. Taasi suuragal matahay?

Haa. Usheeg qof kamid ah dadka jooga xafiiska xarunta. Kudheh: waxaan rabaa inaan la noolaado qoyskayga.

Waxaan rabaa inaan ku noolaado magaalada saaxiibaday joogaan. Taasi suuragal matahay?

Waa laga yaabaa.laakiin xaq uma lihid.Maamulku ma aha inay tixgaliyaan saaxiibada markay go’aan qaadanayaan.

Ka digtoonow: Maxaad ubaahantahay inaad samayso haddaad rabto inaad socdaasho? Usheeg maamulka intaadan socdaalin. Kawaran haddii maamulku kuu ogolaan waayo inaad u socdaasho meel kale? Waa in aad meeshada joogto
What if the authorities say no, but you move anyway? You will lose your basic care.
Kawaran haddii maamulku ku yiraa maya, laakiin aad socdaasho haddana? Waxa aad waayi doontaa daryeel kaaga asaasiga ah.

Nidaamka gelidda /Qaabka meelaynta

Waamaxay nidaamka gellida?

Awsteriya waxay hubinaysa, in ay qaado masuuliyadda hubinta codsigaga magangelyo iyo in kale.
Awsteriya waxay sidaa u samaynaysaa sababtoo ah xeerka dublin “the Dublin Regulation”.
Inta lagu guda jiro qaabka meelaynta Awsteriya waxay hubin doontaa:

    • Miyaad ledahay xaas, iyo carruur 18 sano ka yar? Miyay joogaan dal kale oo yurub ah.
    • Miyay waalid kaaga iyo cidkale oo qoyskaaga kamid ah joogaan dal kale oo yurub ah? Waa maxay xaaladdoodu? Miyay haystaan daryeel ama miyay codsadeen ogolaanshaha magangelyada?
    • Miyaad ku timi Awsteriya fiise/ dalkugal.
    • Xageed ka soo gashay markii ugu horraysay Midawga Yurub (EU)? Miyay cidi kaa qaadday faro.
    • Markaad u safrayso midawga yurub, mararka qaar waxay dadka ka qaadaan faro.faraha lagaa qaado waxay ku kaydsanaanayaan kumbuyuutarka.
    • Waddan kasta oo ka tirsan midawga yurub wuxuu fiirin karaa farahaaga.
    • Miyaad ka yartahay 18 sano? Miyaad timi waalid la’aan? Hadday sidaas tahay waxaad leedahay xeerar gaar ah. Halkan riix waxaad ka heli doontaa xog adiga ku khusaysa.

Waamaxay xeerka Dablin?

Xeerka Dablin waa: in hal dal oo midawga yurub katirsan oo kali ah uu hubiyo codsigaga magangelyada.
Maddooran kartid waddanka hubinaya codsigaaga magabgelyo.
Waxa aad codsi magangelyo ka dalban kartaa hal dal oo kaliya.
Waxa aad dalban kartaa hal codsi magangelyo oo kali ah.
Iyo Hal dal oo kali ah ayaa ku siin kara magangelyo.

Waxa aan leeyahay waraysi marka lagu guda jiro qaabka meelaynta.sabab?

Awsteriya waxay hubin doontaa in ay kuu diri karto dal kale oo ka tirsan midawga yurub (EU).
Taasi waa sababta BFA (hayada uqabilsan qoxotiga) ay rabto in ay ku waraysankarto.
Lataliyahaaga sharciga waa in uu ku raaco marka waraysiga lagula yeelanayo.
Lataliyagaaga sharcigu waa in uu ku caawiyo.
Turjubaanku waxa uu turjumi doontaa waxa ay BFA tiraado. Taasi waa xaqaaga.
Waxa kasta oo aad tiraahdo, waa la qori doonaa. Taasi waxa la yiraahdaa diiwaan qoran (“Niederschrift”).
Diiwaanka qoran waxa cod dheer lagugu akhrin doonaa afkaaga.
Haddii wax khaladaad ahi jiraan, waxa aad awooddaa inaad saxdo. Waad ku dari kartaa wax.BFA waa in ay qorto/diiwaangaliso. Taasi waa xaqaaga
Waxa aad heli kartaa nuqul diiwaan qoraalka. Waydiiso! Taasi waa xaqaaga.
Digniin: Dadka qaarkood looma ogolaan karo in loo diro dal kale oo ka tirsan midawga yurub.
sababaha arrintaasi waa
Tusaale 1: haddii aad si aad ah u xanuunsanayso dal kale oo ka tirsan midawga yurubna aanay ka jirin dakhaatiir ama isbitaallo ku caawin kara.
Tusaale 2: haddii aad uurleedahay dal kale oo ka tirsan midawga yurubna aanay ka jirin dakhaatiir ama isbitaallo ku caawin kara.
Tusaale 3: haddii aad tahay haweenay aan qoys lahayn. Halkaasi ma jiraan guryo gaar ah oo loogu talagalay gabadha kaligeed ah ee ku nool dalal kale oo katirsan midawga yurub.
Tusaale 4: haddii aad tahay qoys leh carruur yar yar.Halkaasi kama jiraan guro gaar ah oo loogu talagaly qooysaska ka tirsan dalalka kale ee midawga yurub.
Tusaale 5: waxa aad joogi jirtay dalkaasi ka hor intaan boolisku si xun kuula dhaqmin.

Muhiim/fiiro gaar ah: Haddii sabababhan midkood lagugu dabaqi karo? Usheeg BFA inta waraysigaaga lagu guda jiro.

Muxuu BFA ka go’aansan karaa habka gelitaanka ama Kiiskaaga?

Kadib waraysigaagi qaabka meelaynta ama galitaanka, FBA waxay go’aamin doontaa in codsigaagi magangelyo lagu qabtay Awsteriya.
FBA ayaa kuu soo diri doonta warqadda go’aanka (“Ogaysiinta”). BFA waxay odhan/ dhihi doontaa haa ama maya.

      • BFA waxay oran: Haa – Awsteriya waxay fiirin doontaa codsigaag magangelyada. Waxa lagu siin doonaa kaar cad. Kaarkaasi/kaadhkaasi waa aqoonsigaaga. Kaarku sidookale waa ogolaanshaha joogitaankaaga inta lagu guda jiro habka magangelyada. Hadda, Awsteriya waxay hubin doontaa in ay kusiiso magangelyo;
        ama
      • BFA waxay oran: Maya – Awsteriya ma fiirin doonto codsigaaga magangelyada. xaaladdaas oo kale BFA waxay ku oran doontaa waa in aad dalka Awsteriya iskaga baxdaa.

BFA ayaa go’aansaday in aan Awsteriya fiirin codsigayga magangelyada. Maxaan samayn karaa?

Waxaad waydiin kartaa maxakamadda in ay hubiso go’aanka BFA.
La hadal latalihaaga sharciga (“Talo sharci ah”) si dhaqso ah/durbadiiba.
Qoro racfaan! Lataliyahaaga sharciga ayaa kaa caawin doonee.
Maamulka maxakamadda federaalka (BVwG) ayaa go’aan ka gaari doona. ( BVwG) waxay odhan doonaan haa ama maya midkood.

      • BVwG waxay odhan: Haa – Awsteriya waxay hubin codsigaaga magangelyada. Hadda, Awsteriya waxay hubin in ay ku siin karaan codsi magangelyo.
        Awsteriya waxay dib u bilaabi in ay fiiriso codsigaaga magangelyada.
      • BVwG waxay odhan: Maya – Awsteriya ma fiirin doonto codsigaaga magangelyada.
        Dalal kala duwan ayaa fiirin doona codsigaaga magangelyada.
        Waad ka tegi kartaa Awsteriya oo waxaad aadi dal kale si iskaa ah. Kawaran haddii aad Awsteriya si iskaa ah uga tagi waydo? Booliiska ayaa kugu qasbi doona. taasina waxa la yiraa masaafurin (“Überstellung”).

BFA ama maxakamadda ayaa go’aansan doona in Awsteriya ay fiiriso codsigaaga magangelyada. Maxaa dhacaya marka xiga?

BFA waxay kuugu yeedhi waraysiga wayn.
BFA waxay hubin, haddii Awsteriya ay ku siin karto magangelyo, daryeel asaasi ah ama xaq aad ku joogto/negaato.

Muxuu yahay waraysiga wayn?

BFA waxay kaa rabtaa warbixin. BFA waxay kaa waraysan waxa kaa keenay/ aad uga timi dalkaagi. BFA waxay rabtaa in ay ogaato: Waa maxay sababta aad u codsatay magangelyada?
BFA waxay kuugu yeeri doontaa waraysi (layiraa “Imtixaan” “Einvernahme”). ). Waxaad ka heli doontaa waraaqda ballanta/casuumaadda boostada.

Waxaan sugayaa waraysiga BFA. Intee inle`eg ayaytahay inaan sugo?

Waxay qaadan kartaa waqti aad u dheer, ilaa BFA ay kuugu yeerto waraysiga.
BFA waa in ay qof kasta codsigiisa magangelyada si kali kali ah ubaartaa.
Tani waa mid aad u adag.
Haddii aad sugto wati dheer, ha walwalin. Taasi waa caadi. Iska dulqaado.

Maxaan samayn karaa si aan ugu diyaar garoobo waraysiga?

Si fiican uga fikir sheekadaada iyo sababta aad uga timi Dalkaagi.
Hubso in aad taqaanid sheekadaada bilow illaa dhamaad.
Warbixinkastaa waa muhiim waa in aad ka jawaabtaa sua’aalo badan oo ku saabsan sababta aad uga soo tagtay waddankaagi iyo waxaad ku sugnayd waqtigii la soodhaafay.

Tusaale ahaan:
Waamaxay magacyada meelaha aad ku noolayd.
Sidee ayay u ekayd?
Maxaa dhacay oo dhab ah kahor inta aadan ka sootagin.
Ayay ahaayeen dadka aad islahayd ka carar/baxso?
Warbixin kastaa waa muhiim!
Lataliyahaaga sharciga ayaa kaa caawinaya in aad u diyaar garowdo waraysiga.
Waxaad ka heli kartaa latalin ururadan hoos ku xusan:

Yaa galaaya waraysiga? Oo yaa kula jiraya marka waraysiga?

  • Adiga
  • Sarkaal ka socda BFA
  • Turjubaan
  • Mararka qaar: lataliyahaaga ama looyar/abukaate
  • Qof aad ku kalsoontahay

Sarkaalka BFA wuxuu ku waydiin doonaa su’aalo.
Waraysiga dhexdiisa, waxa aad kahadli doontaa wax kasta oo ka dhacay dalkaaga hooyo.
Waa in aad sharaxdaa sababta halista iyo waxyeellada kugu haysa.
Waa in aad sharaxdaa sababta khatarta kugu ahayd.

Ma waxaad uga soo tagtay dalkaagi hooyo sababtoo ah waxaad ahayd dhibane xadgudubka galmada xoogga ah ama kufsi ayaa laguu gaysan karay?
Waa inaad u sheegtaa sarkaalka BFA.

Miyaad rabtaa in haweenay ku waraysato? Dheh: waxaan rabaa gabadh sarkaalad BFA ah inay i waraysato.
Miyaad rabtaa in nin ku waraysto? Dheh: waxaan rabaa in nin sarkaal BFA ahi i waraysto.
Taas waa xaqaaga.

Turjubaanku waa dhexdhexaad. Taasi macnaheedu waa adna ku xigsanmaayo BFA na xigsanmaayo. Turjubaanka looma ogola in uu ku caawiyo.
Turjubaanka looma ogola in uu caawiyo sarkaalka BFA.
Turjubaanku waxa uu halkaa u joogaa oo kali ah in uu isku kiin xiro BFA
Haddii aand fahmin turjubaanka, usheeg sarkaalka BFA. Dheh: maan fahmin.
Waa muhiim in aad fahanto turjubaanka. Waxaad heli kartaa turjubaan kale.
Tani waa xaqaaga.

Miyaad leedahay lataliye sharci ama looyar/ abukaate
Qofkas( Looyarka) wuu ku soo raaci karaa waanu kula joogi karaa xilliga waraysiga.
Taasi waa xaqaaga.

Waad keeni kartaa qof aad ku kalsoontahay.kaasi wuxuu noqon karaa saaxiib ama mutadawac/ iskaa wax u qabso.
Waxaad dooran kartaa hal qof oo kali ah.
Kani waa qof aad ku kalsoontahay iyo qofka ku caawiya.
Qofkaasi ma hadli karo marka lagu guda jiro waraysiga mana waydiin karo wax su’aal ah.
Digniin: haddii aad usoo kaxaysato qof aad ku kalsoontahay waraysiga, BFA ma way diin karto qofkaasi kulasocday mar danbe sababta kaa keentay dalkaagi.Qofkaasi mar danbe kuuma noqon karo markhaati.

Sidee ayaad u tusi kartaa BFA in aad leedahay saaxiibo Awsteriyan ah? Sidee ayaad u tusi kartaa BFA inaad sifiican u dhexgashay Awsteriya?
Usheeg BFA: Qofka aanku kalsoonahay ayaa idiin sheegi kara inaan si wacan u dhexgalay bulshada.
Waxaan idinka rabaa inad waydiisaan qofka aan ku kalsoonahay su’aalo ku saabsan habka aan udhexgalay/ulajaanqaaday Awsteriya.
Qofkasta oo jooga goobta waraysiga waa in uu qaddariyo sharciga. Looma ogola qofna in uu u kawaramo wixii lagu wada hadlay xilligii waraysiga.
Waa in aanad soo qaadin wixii inta ka danbeysa waxtigas.
Taasi macnahedu wa waa inad nabadgalyo darento kaliya dadka qolkan ku jira aya og waxa aad tiri.
Qofkalena ma ogaan doono.
Taasi waa xaqaaga.

Sidee ayuu waraysigu u shaqeeya/ Udhacaa?

Sarkaalka BFA wuxuu ku waydiin doonaa su’aalo. Turjubaanku wax kasta wuxuu kuugu turmi doonaa luuqadaada.
Waxa aad bixin doontaa jawaabahaaga.
Turjubaanku wuxuu ku turjumi doonaa wax kasta oo aad tiraado Afka Jarmal.
Sarkaalka BFA wuxuu kuqori doonaa waxkasta Afka Jarmal.
Warqaddan waxa la yiraa diiwaan.

Waxkasta aad tiraahdo waxa lagu qori diiwaanka.
Diiwaanku waa in uu si sax ah u qoranyahay,

Marka ugu horraysa sarkaalka BFA wuxuu ku waydiin kumaad tahay (tusaale ahaan Magaca, taariikhda dhalashadada, qoyskaaga).
Sarkaalka BFA wuxuu kaloo ku waydiin:

  • Waa sidee xaaladda dalkaagu?
  • Sidee ayaad ku timi Awsteriya?
  • Maxaad ka qabataa Awsteriya?

Kadib, sarkaalka BFA wuxuu doonayaa in uu ogaado:

  • Maxaa sababay in aad dalkaagi ka soo cararto? Kaga waran sheekadaada sida ugu habboon.
  • Waamaxay magacyada meelaha aad ku noolaan jirtay?
  • Sidee ayay u eekayd halkaasi?
  • Maxaa kadhacay xaqiiqdii inta aadan ka sootagin?
  • Yay ahaayeen dadka aad islahayd ka carar/fako?

Sheeg dhammaan faahfaahinta laxiriirta. Taasi waxay muhiim utahay go’aanka codsigaaga laga gaarayo.
Sheeg waxkasta oo aad rabto in aad sheegto. Hadal inta aad rabtid in aad hadasho.

Sarkaalka BFA wax kasta wuu qoridoonaa.
Sarkaalka BFA wuxuu rabaa in uu fahmo waxkasta.

Sarkaalka BFA wuxuu ku waydiin doonaa su’aalo tirobadan.
Haddii aanad aqoon jawaabta, taasi waa caadi. Dheh: magaranayo. Waa muhiim in aad sheegto runta.
Haddii aad aad udaasho sabata waraysiga darteed, dheh: nasasho ayaan u baahanahay.ama waxaan rabaa inaan wax cabo.

Waa inaad sheegtaa waxkasta. Waxkasta oo aad shegto marka lagu guda jiro waraysiga, waa u muhiim codsigaaga magangelyada.
Kadib, BFA waxay kuu soo diri doontaa waraaqda go’aanka/Jawabta (“Ogaysiinta”; “Bescheid”).
Taasi waa go’aanka.
Go’aanka kadib, ma bixin kartid wax faahfaahina oo cusub.
Xusuusnow: Taasi waa sababta ay muhiimka u tahay inaad sheegtid waxkasta marka lagu guda jiro waraysiga.

Waraysigii wuu dhammaaday. Hadda turjubaanku wuxuu kuugu sheegi doonaa waxkasta oo diiwaanka ku jiray luqadaada.
Turjubaanku waa inuu kugu fasiro sadar sadar.
Kadib waa in aad saxiixdo diiwaanka.
Saxiix oo kali ah diiwaanka qoran haddii wax kastaa saxan yihiin oo aanay waxba ka maqnayn.
Hubi in waxkasta sax yihiin.
Wax khalad ah miyaa jira? Wax maqan miyaa jira? Hadday Jawabtu haa tahay, usheeg sarkaalka BFA hadda. Ha saxeexin diiwaanka qoran.
Dheh durbadiiba:
Waxaan rabaa inaad saxdo diiwaanka qoran.
Tani waa xaqaaga.
Wax kastaa ma sax baa? Hadda waad saxiixi kartaa.

Maan fahmin turjubaanka maxaan sameeyaa?

Usheeg sarkaalka BFA. Dheh: maan fahmin turjubaanka
Waa in aad fahantaa turjubaanka. Waxaad heli kartaa turjubaan kale.
Waad joojin kartaa waraysiga. Dheh: waxaan rabaa turjubaan cusub. Markaa ayaan sii wadayaa waraysiga. Tani waa xaqaaga.

Miyaad ka baqaysaa turjubaanka? Maxaa dhacaya haddii aadan ku kalsoonayn turjubaanka?
Usheeg sarkaalka BFA. Dheh: waxaan rabaa turjubaan kale.
Tani waa xaqaaga.

Mawaxa aad tiri turjubaanka sifiican umafahmin?
Sarkaalka BFA waa in uu taas diiwaanka ku qoraa.
Haddii aanay qaab qoraaleed ahayn, ha saxeexin! Dheh: fadlan iga saxa diiwaanka.
Diiwaan qoraalku waa in la saxaa.
Tani waa xaqaaga.

Diiwaan qoraalka waraysiga

Waamaxay diiwaanku?

Inta lagu guda jiro waraysiga, sarkaalka BFA waxa kasta wuu qori doonaa. Tani waxa la yirahdaa (“Niederschrift”). Waxa kasta oo aad tiraa waa in uu kujiraa diiwaanka.
Kadib, sarkaalka BFA wuxuu go’aan ka gaari in ay magangelyo kusiiyo.

Ma heli karaa nuqulka diiwaanka ah oo qoran?

Haa.
Dheh: fadlan isiiya nuqulka diiwaanka taasi waa xaqaaga.

Waa maxay sababta aad u saxeexayso diiwaanka?

Dhamaadka waraysiga turjubaanku wuxuu kuugu sheegi doonaa waxkasta oo ku yaal diiwan qoraalka luqadaada. Turjubaanku wuxuu kuugu turjumi sadar sadar.
Hubi: waxkasta sax mayahay? Wax miyaa ka maqan? Hadii ay sidaa ahayn, ha saxeexin! Dheh: waxan raba in wax la iga saxo.
Hadii diiwaanku uu sax yahay waxna aan kamaqnayn – waad saxeexi kartaa.
Waa in aad saxeexdaa bog walba.
Saxeexaaga macnihiisu waa: wax kasta waa saxanyahay. Waxkasta oo aan rabo inaan sheego wuxuu ku jiraa diiwaan qoraalka.

Mabadali kartid diiwaan qoraalka markale waxna kuma darikartid.
Waxkasta waa in lasaxaa maalintaas.

Marabo inaan saxeexo. Maxaan sameeyaa?

Miyaad filaysaa in diiwaan qoraalku khaldanyahay?
Usheeg sarkaalka BFA!
Miyaad u malaynaysaa in turjubaanku kuu fahmin sifiican?
Usheeg sarkaalka BFA!
Sarkaalka BFA waa in uu qoraa in aad filayso in diiwaan qoraalku khalad yahay.
Miyaad filaysaa in sarkaalka BFA aanu u fahmin si saxan? Miyaad filaysaa in diiwaanka qoraalku khalad yahay? Dheh: ma saxeexi karo diiwaan qorlaaka.
Waa in aad u sheegtaa sarkaalka BFA, sababta aadan u saxeexayn. Sarkaalka BFA waa in uu sababaha diiwaanka ku qoraa.
Maahan inaad saxeexdo.

Waan saxeexay diiwaan qoraalka. Laakiin diiwaan qoraalku masaxna. Sidee ayaan u sixi karaa?

Taasi aad bay u adagtahay.
Marka aad saxeexdo, macnaheedu waa: wax waliba waa saxanyahay.
Hadii wax khaldanyahay, waxaad qori kartaa qoraal. Aad ku sharxi kartid sababta diiwaanka u khaldanyahay?
Waa in aad sidookale sharraxdaa sababta aadan khaladka goor hore u arag.
Intaa kadib, waxaad heli doontaa waraaqda go’aanka BFA. Waxa aad racfaan u qoran kartaa Maamulka Maxkamadda Federaalka (BVwG). Dheh: qoraalka qorani masaxna.
Laakiin way adagtahay.

Caddaynta iyo diiwaan qoraallo

Yeermada waraysigu waxay leedahay waa in aan keenaa caddayn iyo diiwaan qoraallo. Waa maxay taas macnaheedu?

Caddayntu waxay noqon kartaa listo/sheyaal ama diiwaan/akhbaro.
Haddii aad hayso caddayn xaqiijinaysa sheekadaada, aad ayay u fiicantahay waana ku saacidaysaa.
Tusaale ahaan, caddayntu waxay noqon kartaa baasaboorkaaga, sawiradaada, fidyawgaaga, waraaqo ama kiniinno
Wax badan oo waxyaalo kala duwan ah ayaa loo isticmaali karaa caddaymo.
La hadal la taliyahaaga sharciga aha ama looyarkaaga. Waxay kaa caawin doonaan marka lagu wadiiyo maxaa kuu caddayn ah? Ama ma haysaa caddayn wax ku ool ah?

Sooqaado caddayntaada marka waraysiga.
Waa muhiim inaad samayso nuqullada diiwaankaaga/ dukumiidigaaga waraysiga kahor.
Waa inaad siisaa sarkaalka BFA.

Sarkaalka BFA ayaa haynaya waana in uu hubiyaa.
Waydii caddayn qoraal ah

Sarkaalka BFA wuxuu hubin doonaa waxa kuu qoran.
Waxa laga yaabaa in ay dabagal kusameeyaan ilaa dalkaagi hooyo.

Waa in ay kuu sheegaan waxay soo heleen.
Maxaa dhacaya hadday khaldanyihiin ama wax ka maqanyihiin?
Usheeg sarkaalka BFA. Dheh: Waxbaa khaldan. Wax muhiim ah ayaa maqan.

Tusaale ahaan: waxaad tahay dumar. Waxaad ka timi Afqaanistaan. Ma rabtid in aad guursato. Laakiin waa lagugu qasbay.
Tusaale kale: Waxa aad ka baqday in lagugu garaaco guriga. Booliskuna kuma caawin karo. Sarkaalka BFA waa in uu soo baaraa warbixintaas.
Waxay kuu sheegi doonaan waxay soo heleen.

Digniin: sii maamulka oo kaliya dukumintiyada asalka ah (been ahayn).
Waxay hubin doonaan dukumentiyadaada.
Haddaad dhiibtay dukumentiyo khalad ah ama been abuur ah, way soo helidoonaan. Waana lagugu ciqaabi karaa.

Miyay tahay waajib inaan turjumo Dukumentigayga?

Maya.
Miyaad haysataa ducumintiyo? Usii qaado BFA.
Kasamayso nuqullo inta aadan bixin!
Lahadal lataliyahaaga sharciga ama looyarkaaga una sheeg dukumintiyadaada inta aadan gudbin.

Waxaan kaga sootagay dukumintiyadaydi waddankaygi ama dal kale. Maxaan samayn karaa?

Qof ma kuu soo diri karaa dukumintiyadaada? Usheeg qofkaasi in uu kuu soo diro.
Hay boqshadda.
Qof makuu soo diri karaa sawirada dukumintiyadaada? Taasi way fiicantahay sidoo kale!

Mahayo wax caddayn ah oo aan ku dhabeeyo sheekadayda. Maxan samayn karaa?

Tani mushkilad maleh.

Digniin: Ha haysanin warbixinta muhiimka ah, sababtoo ah ma caddayn karaysid. Taasi waa arin xun. Wax kasta sheeg. Maamulku waxay isku dayi doonaan inay caddayn keenaan iyaga.
Tusaale ahaan:
Miyaad guursatay, laakiin ma haysatid shahaadadii guurkaaga?
Dhib maleh. Dheh: waan guursaday.
Haddii kale, marka danbe waxa lalakulmi karaa dhibaato.

Digniin:
Ha bixinin caddayn sal iyo raadlahayn?
Warbixinta salka iyo raadka lahayn waa halis. Waxaad khatar ugu jirtaa in lagu ciqaabo.
Haddii maamulku helo, ma rumaysan doonaan waxkasta oo aad tiraadho.
Way fiicantahay in aad sheegto sheekadaada dhabta ah, xataa haadii aanad haysan wax warbixina oo aad caddayneyso.

Ciqaabaha

Maxay tahay ganaaxa maamulku? Waamaxay caqabadaha soo wajihi kara codsigayga magan gelyada?

Waa lagugu ganaaxi karaa ku xad gudubka yar ee sharciga.
Tusaale ahaan:

  • Haddii ay tahay in aad ka tagto Awsteriya, laakiin aad iska joogtid.
  • Qaado baaskiil/bushkuleeti oo mar waddada qarkeeda/mushiba yeeriga ee waddada ha marin. ( Baskil wadada dhexdeeda kuwadid)
  • U guurid guri yaroo cusub adigoon ogaysiin maamulka diiwaan galinta.
  • Goyid/jarid waddada marka nalku guduudanyahay

Miyaad heshay ganaaxa maamulka? Waa in aad bixisaa ganaaxa.
Haddii aanad bixin karin ganaaxa, waxaad aadi doontaa jeel.

  • Waxaan bixin karaa hadda qayb kamida ganaaxa. Baaqiga gadaal maka bixin karaa?
    Waxaad u baahan doontaa inaad waydiiso masuuliyiinta. Dheh: ma iska bixin karaa waxyar bil kasta?
    Ma ku bixin karaa ganaaxa qayb qayb (“Ratenzahlung”)?
  • Maxaa dhacaaya haddii aanan haysan lacag igu filan oo aanan bixin ganaaxa si dhaqsa ah?
    Waydii masuuliyiinta haddii aad bixin karto ganaaxa markale (”Stundung”). Waydii masuuliyiinta sida ugu dhaqsaha badan ee suura galka ah.

Xasuusnow:
Marabtaa inaad raacdo gaadiidkan bas, taram (Tareenka wadada) ama metro (Tareenka hooskusodo)? Waa in aad haysataa tigidh!
Haddii aad raacdo bas adiga oo aan tigidh haysan, waxaad la kulmi kartaa ganaax. Taas macnaheedu waa in aad bixisaa lacag.
Ganaaxu waxay noqon kartaa mid aad u qaaliy ah.
Ma heshay ganaax? Dhaqso u bixi!
Haddii aanad u bixin si dhaqso ah, ganaaxii wuu kugu sii kordhi oo wuxuu noqon mid aad u qaali ah
Haddii aanad bixin ganaaxa gabigeedaba, waxaad lakulmi kartaa ganaax maamul.

Digtoonow
Miyaad heshay ganaax maamul fara badan?
Tani waxay siwayn u xumayn kartaa xaqaagi aad ku joogi lahayd Awsteriya.

Waa maxay ciqaabaha maxkamadda? Waamaxay cawaaqibta ay ku yeelan karto codsigaaga magangelyada?

Waxaad heli kartaa ciqaabta maxkamadda marka aad siwayn ugu xadgudubto sharciga.
Tusaale ahaan: xadtooyo/tuugunimo, dad garaacid, kaganacsiga daroogada, samaynta dukumintiyada beenta ah ama aan caddayn, iyo marag kac been ah ama markhaati beenaalaha.
Haddii aad hesho ciqaab maxkamadeed, taasi inta badan waxay noqonaysaa in aad jeel/xabsi aado gali doonto.

Ka digtoonow/Taxaddar
Miyaad heshay ciqaab maxkamadeedka intii aan go’aan laga gaadhin codsigaaga magangelyada?
Ciqaabaha qaarkood ayaa ka dhiga mid aan suuragal ahayn inaad hesho magangelyo ama magangalyo beniaadan nimo Awsteriya ah.
Ciqaabuhu waxay kaloo xitaa saamayn karaan inaad hesho xaq aad ku joogto iyo inkale.

Maxaa dhacaya haddii la isiiyay magangelyo, daryeel baniaadan nimo oo aan helo ganaax maxkamadeed?

Haddii aad gasho danbiyada qaarkood oo aad hesho ciqaab maxkamadeed, BFA waxay goyn kartaa magangelyadaada ama daryeelka ilaalinta. (“Revocation”/“Aberkennung”)

Warqada go’aanka (“Bescheid”)

Waa maxay go’aanka codsigayga magangalyo BFA ka gaari kartaa?

BFA waxay go’aansankartaa:

  1. 1. In ay ku siiso magangelyo(§ 3 AsylG)
  2. In aanay BFA ku siinin magangelyo, waxay ku siin kartaa daryeelka asaaska ah (mid beniaadan nimo Fiiso) (§ 8 AsylG).
    Digiin:Tani waa fiicantahay. laakiin waxa aad wali qoran kartaa racfaan, sababtoo ah maad helin magangelyo. Tani ma saamayn doonto daryeelkaagi asaaska ahaa Fiisadada.
  3. Haddii BFA aanay ku siinin magangelyo ama midka beniadan nimada,waxa lagu siin karaa xaq aad ku negaato
  4. Laguma siin magangelyo, ilaalin mid beniadan nimo ama xaq aad ku negaato. Waxa aad heli doontaa go’aanka laabashada oo ah in lagugu soo cesho dalkaagi(“Rückkehrentscheidung”).
    Digniin: Adiga iyo lataliyahaaga sharcigu waa in aad u qorataan racfaan Maxkamada (BVwG) si dhaqsa ah.
    Maxkamad (BVwG) waxay hubin doontaa go’aanka BFA

Waamaxay sababta uu habka magangelyadu u qadato waqti dheer?

Sababo badan ayaa jira, oo uu habka magangalyadu waqti dheer u qaato.
Sababta ugu badan waa BFA iyo BVwG waxay gacanta ku haya xaalado iyo dhacdooyin (codsi magan gelyo doon) aad u badan.
BFA saraakiisheeda iyo xaakimintoda waxa u taalo shaqo badan.
Taasi aya sababta in qof waliba uu sugo.
Haddii ay tahay in aad sugto waqti dheer, waxaad baran kartaa luqadda Jarmalka waqtigaas aad sugayso.

Ilaalinta sharciga

Waxaan qabaa in FBA go’aankeedu khaladanyahay. Rafcaan ma codsan karaa?

Haa. Lahadal lataliyahaaga sharciga si dhaqsa ah.
Waxay kula qori doonaan rafcaan.
Maxkamada (BVwG) waxay go’aan ka gaari doonaan rafcaankaaga.
Waxa laguugu yeeri dhegeysi (kiiskaaga).
Waxaad ku heli doontaa warqada casumadda boosto.
Dhegeysiga kiskaga, waxa aad u sheegtaa xaakinka sheekadaada markale.
Lahadal lataliyahaaga sharciga. Waxay kula diyaarin doonan dhegeysiga maxkamadda.

Maxkamada (BVwG) waxay soo gaartay go’aankii BFA. Waxaan qabaa in go’aanka Maxkamada (BVwG) khaladyahay. Rafcaan ma codsan karaa markale?

Waa laga yaabaa. Mararka qaarkood taasi waasuuragal.
Waxa aad u baahan doontaa looyar.
Lahadal lataliyahaaga sharciga.

Waa kuma la taliyahayga sharcigu?

Waxa jiri doonta waraaqda macluumaadka waraaqda go’aanka ee BFA.
Waraaqda macluumaadka ee la yiraa “Verfahrensanordnung”.
Taasi waxay kuu sheegaysaa qofka la taliyahaaga sharciga eh.
Waa inaad utagtaa ururka dadka cawiya oo layirahdo (Verein Menschenrechte Österreich) mise kuwa layirahdo ARGE Rechtsberatung (Diakonie and Volkshilfe).
Miyaad heshay waraaqdaad MacLuumaadka? Aad/ utag lataliyahaaga sharciga si dhaqsa ah!
Intaa waxa dheer, waxaad ka heli kartaa latalin sharci ah oo bilaasha goobahan hoos ku xusan:

Waxa aan helay go’aankii dib u noqoshada.maxay tahay taasi?

Awsteriya waxay kuu sheegi kartaa in aad dib ugu laabato dalkaad kasoo jeeday!
Taasi waxa la yidhaa go’aanka dib u laabashada (“Rückkehrentscheidung”).
Haddii aad hesho go’aanka laabashada, waxay ku imaan doontaa boosto.
Waxaad heli doontaa go’aanka laabashada, haddii aan lagu siin magangelyo, daryeel ama xaqqa negaansha.
Digniin: waad codsankartaa go’aan rafcaan. Marka aad lumiso xaqqaaga codsashada rafcaaka, waxa aad u baahan doontaa in aad u g0ansanto go’aanka laabashada.

Waxaan ka helay warqadda go’aanka BFA. Goorma ayaan waayayaa xaqayga rafcaanka?

Kama qaadan karid go’aan racfaan marka:

  • Waqtiga xaddidan ee racfaanku dhammaado.
  • Waad codsan kartaa racfaan go’aanka BFA haddii aad keento racfaankaaga waqtigiisa. Haddii waqtigu kaa dhaco, ma qaadan kartid racfaan wixii intaa ka danbeeya.
    Waqtiga xaddidan ee racfaanka wuxuu ku qoran yahay dhammaadka warqadda go’aanka.
    Digniin: Marka aad hesho warqadda go’aanka, qor taariikhda aad heshay. Taariikhdu waa muhiim.

Maxaa dhacaya haddii aadan helin waraaqda go’aanka shaqsi ahaantaada?
Hubi sanduuqaaga boostada maalin kasta oo kaeeg waraaq jaale ah.

Qor taariikhda marka aad heshay waraaqda jaalaha/huruuda ah.
Waraaqda jaallahaa macnaheedu waa in aad qaadan karto waraaqda go’aanka BFA xafiiska boosta ee kugu dhow.

Hay boqshadda iyo waraaqda go’aanka!
Soo qaado taasi Balanta xigta adiga iyo lataliyahaaga sharciga.
Waqtiga xaddidan ee racfaanka waxay ka bilaabataa maalinta koobaad ee aad goaanka BFA da boostada kasooqaadatid.
Taxaddar:Haddii aad dib u dhigato qaadashada waraaqda go’aanka ee BFA, waqtiga xaddidan ee racfaankana la kordhin maayo.

Waxaad sidoo kale waayaysaa xaqaagi aad racfaan ku qaadanlahayd marka:

  • Aad ka tanaasusho xaqaaga codsiga racfaanka.
    Taasi macnaheedu waa in aad si rasmi ah u saxeexday in aadan rabin in aad racfaanka ka qaadato go’aanka.
  • Aad ka baxdo racfaankaaga.
    Taasi macnaheedu waxaad racfaan ka qaadatay go’aanka, laakiin markii danbe waxaad go’aansatay inaad ka noqoto racfaankaaga.

Waxa aan helay go’aanka laabashada. Maqaadan karo racfaank intaa ka badan. Maxaa dhacaya hadda?

Waa in aad ka baxdaa Awsteriya.

  • Iskaaga ayaa Awsteriya uga tagi kartaa.
    Badanaa, waxa aad haysataa 14 casho in aad ku baxdo.
    Awsteriya waxay kaa caawin kartaa safarkaaga
    Tusaale ahaan: Awsteriya waxay kaa bixin kartaa tigidhka
    Caawinaadda noocan ah waxa la yiraa “caawimaadda celinta“.
    Waxad heli kartaa macluumaad dheeraad ah. Waydii Xarunta latalinta laabashada (“Rückkehrberatung”).
  • Haddi aadan diyaar u ahayn in aad iskaaga uga tagto Awsteriya:
    Waxa lagugu qasbi karaa in aad Awsteriya kaga baxdo masaafurin.
    Xaaladaha qaarkood, waa lagu sii hayn karaa, xilliga lagu musaafurinayo.

Waxaan sugayaa waraysiga BFA. Intee in leeg ayay tahay inaan sugo?

Waxay qaadan kartaa waqti dheer, illaa BFA kugu casuunto waraysi.
BFA waa in ay hubisaa codsiga magangalyada ee qofkasta.
Taasi aad bay u adagtahay.
Miyaad sugaysay waqti dheer? Taasi waa cadi. Ha walwalin. Dulqaad yeelo.

Faamili/ qoys

Waxaan dalbaday magangalyo. Hadda oo aan sugayo go’aan. Ma keeni karaa faamilkayga Awsteriya?

Maya
Ma keeni kartid qoyskaaga dalka Awsteriya kahor inta aadan helin go’aanka ugu danbeeya ee codsigaaga magangalyada, haddii aad leedahay qoys, usheeg BFA. Usheeg iyaga halka uu qoyskaagu ku noolyahay sidoo kale.
Haddii aadan u sheegin BFA qoyskaaga, waxaad kala kulmi doontaa dhibaato markaad rabto inay kugu soo biiraan.
Waa in aad sidoo kale usheegtaa BFA, haddi qof kamid ah qoyskaaga uu ku suganyahay dal kale oo yurub ah.

Haddii la isiiyay magangalyo oo aan da‘ahaan ka yarahay 18 sano. Waalidkay ama walaalahay ma iman karaan Awsteriya?

Waalidkaa wuu imaan karaa Awsteriya.Walaalahaa wiilasha iyo gabdhaha way imaan karaan Awsteriya, laakiin waa in ay da’doodu ka yartahay 18 oo aanay guursan.
Waalidkaa, walaahaa gabdhaha iyo wiilasha waa in ay aadaan safaaradda Aswteriya.
Waa in ay codsadaan isukeenidda qoyska.
Waad codsankartaa arintaas sida ugu dhaqsaha badan marka lagu siiyo magangalyo.

Waan helay magangelyo da’dayduna wayka wayntahay 18. Waalidkay ama walaalahay gabdhaha iyo wiilasha ma igu soo biiri karaan?

Maya. Nasiib daro, waalidkaa iyo walaalahaa wiilasha iyo gabdhaha kuguma soo biirikaraan Awsteriya?

Waa la i siiyay magangalyo da’dayduna way ka wayntahay 18 sano. Xaaskayga ama saygayga iyo carruurtaydu ma imaan karaan Awsteriya?

Haa.xaaskaaga ama saygaaga iyo carruurtaada way imaan karaan Awsteriya.
Carruurtaadu waa in ay da’doodu ka yaraataa 18 sano oo aanay wali guursan.
Waa in aad aadan safaaradda Awsteriya.
Waa in ay codsadaan qooys isu keenid.

Digniin: waa inaad hore soo guursatay ka hor intaadan imaan Awsteriya.
Digniin: Waa muhiim in aad codsato qoys isukeenid sida ugu dhaqsaha badan.
Marka lagu siiyo magangalyada, u sheeg qoyskaa inay aadaan safaaradda Awsteriya isla markaas!

Qoyskaagu waa in uu codsadaa in uu kuugu yimaaddo Awsteriya sida ugu dhaqsaha badan? Waxa ugu wanaagsan in ay codsadaa 3 bilood gudahood marka lagu siiyo magangalyo.haddii ay kor u dhaafto ilaa marka lagu siiyay magangalyada, aad ayay u adkaan doontaa in faamilkaagu kugu soo biiro.

Waa in aad buuxisaa shuruudo dheeraad ah.
Waxaad u baahan doontaa:

  • Guri ama shuqa, idin wada qaada dhammaan;
  • caymiska caafimaadka iyo
  • dakhli kugu filan, oo ay ku jirto
    €1,400 yuuro adiga iyo xaaskaaga ama saygaaga; €140 cunug kasta iyo lacagta kiradada

Bisha cas Rotes Kreuz  ama Ururka Qoyska aan xuduuda lehey the Verein EHE OHNE GRENZEN waxay kaa caawin karaan inaad qoyskaaga soo galiso Awsteriya.

Waxa la isiiyay daryeelka asaasiga ah. Qoyskaygu ma igu soobiri karaan?

Qoyskaagu kuuguma imaan karo si dhaqsa ah. Waa in ay sugaan 3 sano.
Saddexda sano waxay ka bilaabanaysaa markaad hesho waraaqda go’aanka BFA (”Bescheid”).

  • Waxaan ahaa 15 jir markii aan helay waraaqda go’aanka ee FBA. Saddex sano ayaa ka soo wareegatay walina waan ka yarahay 18. Waalidkay ama walaalahay gabdhaha iyo wiilasha ma iigu imaan karaan Awsteriya.
    Haa
    Waalidkaa iyo walaalahaa gabdhaha iyo wiilasha way kuugu imaan karan Awsteriya.
    Walaalahaa wiilasha iyo gabdhaha waa inay da’doodu ka yartahay 18 oo anay wali guursan.
    Waalidkaa iyo walaalahaa gabdhaha iyo wiilasha waa in ay aadaan safaaradda Awsteriya.
    Waa in ay codsadaan isu keenidda qoyska
  • Waan ka waynaa 15 sano markii aan helay waraaqda go’aanka FBA. Saddex sano ayaa ka soo wareegtay. Haddana anigu waan ka waynahay 18.
    Waalidkay iyo walaalahay wiilasha iyo gabdhaha ma iigu imaan karaan Awsteriya?

    Maya. Waalidkaa iyo walaalahaa kuuguma imaan karaan Awsteriya.
    Waa in ay sameeyaan codsigooda magangalyo ama ay ku yimaadaan Awsteriya si kale.Xaaskayga, saygayga iyo carruurtaydu ma igu soo biiri karaan?
    Haa.
    Xaaskaaga, saygaaga iyo carruurtaada waa imaan karaan Awsteriya.
    Carruurtaadu waa in ayda‘doodu 18 sano ka yartahay oo aanay wali guursan.
    Saygaaga ama xaaskaaga iyo carruurtaadu waa in ay aadaan safaaradda Awsteria.
    Waa in ay codsadaan qoys isu keenid.

Digniin: Waa in aad guursatay kahor intaadan imaan Awsteriya.
Digniin: haddii aad heshay daryeelka asaasiga ah oo aad rabto in ay kuu yimaadaan, waa in aad buuxisaa shuruudo badan.
Waxaad u baahan doontaa:

  • guri ama shuqo, idin deeqi karta dhammaantiin
  • caymiska caafimaadka; iyo
  • Dhaqaale kufilan, oo ay ku jirto €1,400 adiga iyo xaaskaaga ama saygaaga; €140 cunug kasta; iyo lacagta kiradaada.

Qoladani Rotes Kreuz or the Verein EHE OHNE GRENZEN waxay kaa caawin doonaan inaad qoyskaaga Awsteriya kensato.

Ma ii imaan karaa gabadha ii doonan ama wiilka aan u doonanahay?

Maya nasiib daro, wiilka aan u doonanahay ama gabadha ii doonan ma imaan karan Awsteriya.
Waa in ay sameeyaan codsigooda magangalyo ama ay ku yimaadaan Awsteriya si kale.

Iskuulka, waxbarashada iyo tababarka

Waa maxay waxbarashada qasabka ah?

Dhamaan carruurta iyo dhallinyarada joogta Awsteriya waa in ay ku jiraan iskuulka 9 sano.
Taasi waxa la yidhaa waxbarashada qasabka ah.
Carruurta iyo dhallinyarada yar yar waa in ay aadan iskuul ilaa 15 jir.
Kadib 9 sano oo iskuula, waxbarashada qasabka ahi dhammaato.
Haddii aad ka wayntahay 15 sano, ma aha inan aado iskuul Awsteriya. Malihid xaq aad ku aado iskuul

Waan ka waynahay 15 jir. Maxaan samayn karaa?

Fiyena (Vienna) dhexdeeda, waxaad samayn kartaa koorso waxbarashoo oo asaasi ah.
Koorsadaas, waxa aad ku baran luqadda Jarmalka.
Sidoo kale waxaad ku tababaran doontaa akhriska, qorista, xisaabta iyo waxyaalo kale.
Kadib koorsadaa asaasiga ah, waxa lagaa qaadi doonaa imtixaan.
Ujeedada laga leeyahayna waa in aad yeelataa aqoon lamid ah tan uu leeyahay qof iskuul ka dhiganayay Awsteriya 9 sano. Kani waa imtaxaan wayn.
Hay’adaha waxbarashada ayaa kaa caawin doona in ay kuu diyaar gareeyaan imtaxaankaas.
Imtaxaanka kadib, waxa aad samaynkartaa tababar xirfadeed. Sidoo kale waxa aad sii wadi kartaa iskuulka.
Halkan waxa aad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan hay’adaha waxbarashada.
Halkan waxa aad ka heli kartaa nidaamka guud ee wax barashada dalka Awsteriya.

Miyaad dhamaysay iskuul ama miyaad kusoo baratay jaamacad dalkaagi hooyo?

Hay’adaha waxbarasho ee Awsteriya waxay kaala talin doonaan siyaabaha aad kusii wadan kartid waxbarasho.
Xataa haddii aanad helin go’aan kama danbays ah oo ku saabsan codsigaaga magangalyo wali, waad barankartaa jamacadaha Awsteriya.
Waxaad xogo dheeraad ah ka li kartaa dhigashada jamacadda fiyeena halkan:
https://wirhelfen.univie.ac.at/
Waxaad xogo dheeraad ah oo ku saabsan jaamacadaha kale ee Awsteriya kaheli kartaa halkan:
http://www.studium.at/universitaeten

Waakuwee hay’adaha waxbarashada ee halkaa ka jira?

Halkan waxaad ka heli kartaa liisto ay ku xusan yihiin hay’adaha waxbarsho.
Fiyeena (Vienna) dhexdeeda, waxa ka jira tusaale ahaan:
PROSA
PROSA waxay bixisaa koorsooyin wax barasho oo asaasiga ah. Qofkasta oo ka wayn 16 sano wuu ku biiri karaa koorsooyinkaas.
PROSA waxay bixisaa latalimo wax barasho maalmahan soo socda: Talaado, Arbaco iyo Jimco laga bilaabo 9 subaxnimo ilaa 2 duhurnimo oo aad ka helayso goobta cinwaankaa leh CAFEPROSA (Sparkassaplatz 3, 1150 Vienna).
Uma baahnid isdiiwan gelin. Waxaad aadi kartaa halkaa.
Waxaad ka heli kartaa xogo dheeraad ah oo ku saabsa PROSA halkan: http://www.vielmehr.at/beratungszentrum.html

StartWien JUGEND COLLEGE
Hore ka bilow iskuulka magaciisu kor ku xusanyahay

Waxaad samayn kartaa koorsooyin Jarmal ah ama waxbarashada asaasiga ah oo aad ka helayso iskuulkan StartWien Jugend College.
Wax dhiba maleh haddii aad hore u qaadatay magangelyo ama wali aad sugayso waraysiga.
Waa in da`dada u dhaxaysaa 15 ilaa 21.
Waxaad xog dheeri ah ka heli doontaa StartWien Jugend College:
https://www.caritas-wien.at/hilfe-angebote/asyl-integration/ausbildung/startwien-das-jugendcollege/

Waamaxay tababar xirfadeed (apprenticeship)?

Tababar xirfadeedku wuxuu kaa caawinayaa in aad barato xirfado gaar ah.waxaad samayn kartaa barashada xirfadahan, sida qurxinta tima iyo indhaha, cunna karinta iyo wax dubista.

Waxaan haystaa kaarka cad. Mabilaabi karaa tababar xirfadeedka (“tababarka”)?

Waxa jira shuruudo gaar ah. Waa in aad ka gudubtay nidaamka galidda ee habka magangalyada; waa in aad sugasay 3 bilood ilaa laga gudbo nidaamka galidda; waa in aad ka yaratahay25 jir; waxaanad u baahan doontaa in aad hesho tababar. Haddii aad hesho hal tababar, waxaad tahay arday.

Waxaad ka bilaabi kartaa tababarka dalka Awsteriya marka lawaayo tababarayaal kufilan xirfadaha qaarkood.
Dawladdu waxay daabacdaa liisto xirfada ah oo aad loogu baahanyahay dadka rabana aad u yaryihiin. Listada waxa layiraa “Mangelberufsliste” iyo “Fachkräfteverordnung”.
Listada ayaa kuu sheegi doonta tababarrada furan.
waxaad xog dheeri ah oo ku saabsan tababarrada ka helaysaa halkan hay’adda shaqaalaynta dadwaynaha ee Awsteriya (AMS): http://www.ams.at/_docs/ENGLISH_lebenundarbeiten_publ_16.pdf

Halkee ayaan ku baran karaa Jarmal si lacag la’aan ah?

Sprachencafé
waa goob aad kula kulmi karto dad kugula hadla luqadda Jarmalka.
Waad kobcinkartaa Jarmalkaaga. Taasi maaha koorso luqadeed.
http://www.stationwien.org/projekte/sprachencafe.html

Caritas Wien – CarBiz
Hadii da’daadu kawayntahay 16 jir waxaad samaynkartaa koorso Jarmal ah halkan:
https://www.caritas-wien.at/hilfe-angebote/asyl-integration/ausbildung/deutschkurse/

Integrationshaus Wien
Halkan waxa aad ka heli kartaa xog dheeraad ah oo ku saabsan koorsooyin Jarmal ah.
http://www.integrationshaus.at/de/projekte/bildung/sub.shtml?57

Jugendinfo Wien
Halkanna waxa aad ka heli kartaa xog dheeraad ah oo ku saabsan koorsooyin Jarmal ah Fiyeena dhexdeeda.
<http://www.wienxtra.at/fileadmin/web/jugendinfo/Beratung/Infobl%C3%A4tter/Infoblatt_DeutschMigrantInnen.pdf

Letztes Update am 08.06.2017