Qeexitaanno

Burinta

Waxa lagu siiyay magangalyo ama daryeel asaasi ah.
Masuuliyiinta Awsteriya waxay kaala noqon karaan xaqaagi magangalyo. Taasi waxa layiraadaa “Burin” ama “kansalid”.
Sababaha burinta waxa kamid ah tusaale ahaan:

  • Waxaad aaday dal kale isla markaana ma deganaan doontid Aswteriya; ama
  • Waxaad gashay danbi. Waxa aad khatar kutahay dadwaynaha; ama
  • Haddii aanay jirin wax khatara oo kugu wajahan haddaad dalkaagi ku noqoto oo ay dalkaaga xasilooni ka jirto
    Taasi macnaheedu waa: in aanad uga baahnayn Awsteriya magangalyo.

Musaafurin

Codsigaaga magangalyo haddii aad ku guulaysan waydo.
Haddii lagu siin waayo magangalyo, daryeel kaabid iyo xaqa negaanshaha.
Haddi adiga iyo looyarkaagu racfaan qaadataan.
Maxkamaddu sidookale kuu diido in ay ku siiso magangalyo.
Waa in aad ka tagtaa Awsteriya.
Haddii aadan iskaga bixin Awsteriya, booliiska ayaa kuu imaan oo ku kukaxeyn.
Booliisku wuxuu kugu qasbi karaa in aad ka baxdid Awsteriya, xataa haddii aadan rabin in aad ka baxdo.
Booliiska ayaa kuu diraya dalkaagi hooyo.
Taasi waxa la yiraahdaa “musaafurin”.

Magangalyo

Magangalyadu waa halka (Awsteriya) kugu gudoon siiso ilaalin in lagaa dhawro khatar kugu halis galisay dalkaagi. Khatar taasi ama halis taasi waxa la yirahdaa “cadaadis”
Dalku waxa uu ku siin karaa ilaalin in lagaa dhawro khataraha ama halista qaarkeed.
kuwaasi waa:

  • Waxa aad ka soo jeedaa koox haybteeda lagu dhibo latakooro dalkaaga; ama
  • Laguu ma ogola in aad ku dhaqanto diintaada marka aad dalkaaga joogto. Haddii aad halis ku sugantahay sababtoo ah diintaada ayaad u baqaysaa in lagugu cadaadiyo; ama
  • Aad khatar ku suntahay dhalashadaada darteed; ama
  • Aad khatar ku sugantahay sababtoo ah waxaad ka tirsantahay bulshada qayb kamida (tusaale. Qoyskaaga, diintaada, haddii aad khaniistahay). ama
  • Hadii aad khatar ku sugantahay sababtoo ah fikirkaaga siyaasadeed.

Daryeelka asaaska ah

Maxaa dhacaya haddii aan lagu siin magangalyo?
Laakiin Awsteriya waxay ogtahay: Taasi khatar ayay kugu tahay in aad ku laabato dalkaagi hooyo.
Hadii xaaladdan oo kale dhacdo, waxa lagu siin doonaa “ilaalinta iyo kaabista asaasiga ah” ee dalka Awsteriya.
Daryeelka ama ilaalinta asaasiga ahi Fiisada waa: in aad joogi kartid Awsteriya waqti cayiman.
Tusaale ahaan: shaqsi ahaantaada khatar kuma sugnid, laakiin halkaa dagaal ayaa ka jira.
Laguuma diri doono dalkaagi hooyo. Waxa lagu siin doonaa daryeel Fiiso.
Waxa aad joogi kartaa dalka Awsteriya hal sano. Hal sano kadib, Awsteriya waxay hubin haddii dagaalkii dhammaaday.

Xaqa negaanshaha

Maxaa dhacaya haddii aan lagu siin magangalyo ama daryeel asaasi ah?
Miyaad joogtay Awsteriya waqti dheer? Miyaad aad u dhexgashay bulshada Awsteriya? Waxa laga yaabaa in aad iska joogto Awsteriya. Taasi waxa layidhaa “xaqa nagaanshaha”.

Xaaladda magangalyo doonka

Waxa aad codsatay daryeel (=magangalyo) Awsteriya dhexdeeda. Waad sugaysaa.
Hadda waxaad tahay magangalyo doon.Taasi waa “xaaladdaada”.
Magangalyo doon ahaan waxaad leedahay xaq:
Waxa aad joogi kartaa Awsteriya ilaa Awsteriya ka aqbasho codsigaaga magangalyo.
Waxa aad heli kartaa daryeelka asaasiga ah, haddii aad u baahantay.
Magangalyo doon ahaan waxakale oo aad leedahay waajibaadyo. (Kalmadda “waajibaad” macnaheedu waa in aad wax qabataa):
Tusaale ahaan, waa in aad aaddaa balama aad ku leedahay BFA ama maxkamadda (BVwG).
Waxa aad leedahay magaca ama calaamad magangalyo doon ilaa Awsteriya ka gaadho go’aan codsigaagi magangalyada.

Qiimaynta da‘da

Da’daadu aad ayay muhiim uga tahay Awsteriya.
Dadka ka wayn 18 waxa layidhaa dadwaawayn (”Erwachsene”).
Dadka ka yar 18 sano waa carruur ama dhalinyaro. Dadkaasi waxa loogu yeedhaa dad aan qaan gaadhin (”Minderjährige”).
Carruurta iyo da’yarta waxa loola dhaqmaa si ka duwan sida dadka waawayn.
Maxaa dhacaya haddii aanad aqoon inta aad jirto? Ama, maxaa dhacaya haddaad booliiska u sheegtay inta aad jirto, laakiin FBA ay rabto in ay hubiso in aad saxantahay?
Taasi waxa layidhahdaa “qiimaynta da‘ada”.
Qiimaynta da’da, dakhtar ayaa si dhow kuugu fiirsandoona.dakhtarku wuxuu raajo kaa saarayaa gacanta si uu u arki karo lafahaaga. Dakhtarka ayaa sidoo kale hubin doona ilkahaaga iyo kalxantaada.
Dakhtarku wuxuu kuu sheegi in aad ka yartahay 18 iyo in aad ka wayntahay.

Sababaha (natiijoyinka) celinta

Maxaa dhacaya haddii BFA go’aan ku gaadhay in aan laguu ogolaan in aad joogto Awsteriya? Booliiska ayaa kuu imaan kara si ay kuugu diraan dalkaagi hooyo.
Maxaa dhacaya haddii aadan rabin in aad ka baxdo Awsteriya? Booliiska ayaa ku celin kara si kastaba ha ahaatee. Taasi waxa layirahdaa musaafurin.
Sidee ayaad uga hor imaan mussafurinta? Waxaad qoran kartaa racfaan. Taasi macnaheedu waa in maxkamaddu hubiso go’aanka BFA (hayada uqabilsan qoxotiga) da.
Lataliyaha sharciga (”Rechtsberater”) ama looyar ayaa kaa caawin kara in aad qorato racfaan.
Racfaankaasi wuxuu leeyahay “saamayn shaki”. Taasi macnaheedo waa: in aan hadda lagu musaafurin.
Musaafurinta waa la dib dhigay. Waxa aad joogi kartaa Awsteriya ilaa maxkamaddu go’aan ka gaarto racfaankaaga.

Masuuliyiinta

Masuuliyiintu waa hay’adda maamulka gobolka. Masuuliyiinta ayaa matalaya gobolka.
Dhammaan maamulka iyo masuuliyiintu waa in ay u hogaansamaan sharciga.
Dadka u shaqeeya masuuliyiintu waa in ay u hogaan samaan sharciga.
Miyaad heshay waraaqda rasmiga ah? Badanaa waxay odhanaysaa masuulka ka masuulka ah waa kuma.
Waad wici kartaa ama waxaad aadi kartaa haddii aad qabto su’aalo.
Xafiiska federaalka ee socdaalka iyo magangalyo (BFA) waa masuuliyiinta ugu muhiimsan ee nidaamka magangalyada.

Warqadda go’aanka ama ogaysiis ka

Masuuliyiinta ayaa kuu sheegaya go’aankooda iyada oo ah warqad go’aan (“Bescheid”).
Nidaamka magangalyada, BFA waxay go’aan ka gaari codsigaaga magangalyada.
BFA waxay go’aan ku gaarto oo ay weheliso waraaqda go’aanka.
BFA waxay kuugu soo diri doontaa waraaqda go’aanka boosto lagu soo hagaajin doono ciwaankaaga rasmiga ah. Waa in aad hubiso in aad ku leedahay ciwaan rasmi ah dalka Awsteriya. Waa in aad had iyo jeer u sheegtaa xafiiska diiwangalinta, haddii aad badesho ciwaankaaga.
Waraaqda go’aanka waxay leedahay qaybo badan oo muhiim ah, laakiin“qaybta go’aanka” (“Spruch”) ayaa khaasatan muhiim ah. “Spruch” waa go’aanka ugu wayn ee BFA.
“Macluumaadka racfaanka” (”Rechtsmittelbelehrung”) sidoo kale waa muhiim:
Macluumaadka racfaanka ayaa kuu sheegaya, sida adiga iyo looyar kaagu racfaan kaga qaadan kartaan go’aanka.
Macluumaadka racfaanku sidoo kale waxay kuu sheegi waqti intee leeg ayaad racfaanka qaadan kartaa.
U akhri warqadda racfaanka si taxaddarleh! U qaado waraaqda go’aanka lataliyahaaga sharciga (“Rechtsberater”) dhaqsadiiba.

Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Magangalyada (BFA)

Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Magangalyada (“Bundesamt für Fremdenwesen und Asyl” laga soogaabiyey (short): BFA) waa heyada ugu muhiimsa xaalada magangalyadaada.
BFA waa hay’adda maamulka gobolka.
BFA waa in ay fulisaa sharciga Awsteriya.
Dadka u shaqeeya BFA waa in ay u hogaansamaan sharciga Awsteriya
BFA waxay go’aan ka gaadhi doonaan codsigayaga magangalyada.
Go’aanku wuxuu ku qoranyahay warqad go’aan waxaana laguugu soo diri boostada.

Maxkamadda Maadulka Federaalka (BVwG)

Maxaa dhacaya haddii BFA ku siin waydo magangalyo? Waxaad racfaan ka qaadan kartaa maxkamadda.
Taas oo macnaheedu yahay maxkamaddu waxay hubin doontaa go’aanka BFA.
Adiga iyo lataliyahaaga sharciga (“Rechtsberater”) ayaa qori kara rafcaan.
Maxkamaddu (“Bundesverwaltungsgericht”, short: BVwG) ayaa akhrin doonta go’aanka FBA iyo racfaankaaga.
Qaaliga BVwG ayaa go’aan ka gaari doona. Kadib waxaad heli go’aanka maxkamadda.

Dib u nuqosho iskaaga ah

Waxa aad codsatay magangalyo oo waxaad sugaysaa go’aan. Laakiin ma rabtid in aad sugto intaa ka badan, waxaanad rabtaa in aad dib ugu laabato dalkaagi hooyo.ama, waxa aad heshay go’aan dib u laabasho racfaan ma qoran kartid.
Waxa aad rabtaa in aad iska baxdo si madax banaan. U sheeg lataliyahaaga sharciga (“Rechtsberater”) in aad rabto in aad dib ugu laabato dalkaagi.
Awsteriya waxay kaa caawin doontaa safarkaaga. Tusaale ahaan, Awsteriya waxay kaa bixin doontaa tigidhka diyaaradda.
Kaalmada noocaas ah waxa layiraadaa “kaalmada celinta”. Waxa aad heli doontaa dhammaan macluumaadka aad u baahantahay oo aad ka heli doonto “lataliyaha celinta” (“Rückkehrberatung”).
Digniin: Haddii aad dib ugu laabato dalkaagi hooyo, waxay joojin doontaa nidaamkaagi magangalyada. Magangalyo lagaama siin doono dalka Awsteriya.
Xataa hadii aad ku laabato dalkaagi 3 cisho ama 2 asbuuc, taasi dhib malaha, nidaamkaaga magangalyo waa la istaajin doontaa, lagumana siin doono magangalyo.

Daryeelka aasaasiga ah

Ma waxaad tahay magangalyo doon? Markaas waxaad heli doontaa kaalmo ama gargaar Awsteriya. Kaalmadaas waxaa layidhadaa“daryeelka asaaska ah”.
Tusaale ahaan, Awsteriya waxay kusiin doontaa hooy. Waxa aad heli kartaa latalining, cunno, maryo iyo qalab iskuul. Sidoo kale waxa aad heli doontaa tigidho lagu raaco gaadiidka dadwaynaha si aad u gaadho xafiisyada maamulka Balamahaaga. Adeega caafimadka uma bahnid inad lacag bixiso waa bilash.
Maxaa dhacaya haddii aad rabto in aad u guurto guri baarto ah, tusaale ahaan aad la noolaato saaxiibada iyo faamilka? Waxa laguu ogolyahay in aad samayso sidaas, laakiin waxa aad ka heli doontaa lacag yar Awsteriya waxa kale oo aad kaalmo kaheli saaxiibadaa.
Digniin: miyaad rabtaa in aad guurto? La socodsii maamulka ka hor inta aadan guurin!
Haddii maamulku kuu ogolaanwaayo in aad ku noolaato meel kale, waa in aad joogtaa halka aad joogto. Haddii maamulku kuu diido in aad guurto oo aad haddana guurto- intaa kadib ma heli doontid daryeelka asaasiga ah.

Wicitaanka iyo waraysiga

BFA waxay kaaga baahantahay macluumaad. BFA waxay rabtaa in ay kaala hadasho cabsida iyo cadaadiska ku haysta iyo sababta aad uga soo tagtay dalkaagi. BFA waxay kuusoo diri doontaa warqada ka soo qayb galidda waraysiga. Waraaqda casuumaada waraysiga waxa la yirahdaa “wicitaanka” (“Ladung”).
Miyay BFA ogtahay halka aad ku nooshahay? BFA waxay u baahantahay in ay ogaato ciwaankaaga. Hubi sanduuqa boostadaada maalin kasta.
Akhri waraaqda casuumaadaada (“Ladung”) si fiican u fiiri waqtiga waraysiga? Waraysiga waxa la yirahdaa “Einvernahme”. Tani aad ayay muhiim u tahay. Hubso in aad dhawrto waqtiga waraysiga lagaa rabo. Sii gaadh goobta waraysiga 10 daqiiqo kahor.

Shahaadada diiwaangalinta

“Shahaadada diiwaan galinta” (“Meldezettel”) waxay sheegaysaa halka aad ku nooshahay. Kaasi waa ciwaanka gurigaaga. Boostadaada ciwaankaas ayaa laguugu soo hagaajin doonaa. Waa in aad ka diiwaan galiso ciwaankaaga xafiiska diiwaangalinta.
Waxa lagu siin doonaa “shahaadada diiwaangalinta” (“Meldezettel”).
Haddii ay BFA tixgalinayso codsigaaga magangalyada, waa muhiim in “shahaadadadaada diiwaangalinta” (“Meldezettel”) aad leedahay ciwaan saxan oo ilaa taariikhda aad taagantahay.
Miyaad ka guurtay gurigaaga? Oo ma waxaad yeelatay ciwaan cusub? Aad xafiiska diiwaangalinta ee kuugu dhaw iyo inaad ogaysiiso ciwaankaaga cusub. Waxay ku siin doonaan “shahaado diiwaan galinta” (“Meldezettel”).
“Shahaadada diiwaangalinta (“Meldezettel”) taasi aad ayuu muhiim u yahay. FBA waxay diri doontaa waraaqda go’aanka ciwaankaaga. Haddii aad ilowday in aad u sheegto xafiiska diiwaan galinta in aad ka guurtay guri, BFA na waraaqda go’aanka waxay u diri ciwaankaagi hore. Taasina sidaas oo kale aad ayay u xuntahay haddii aanad helin waraaqda go’aanka ee BFA. Aad ayay u xumaan kartaa haddii aadan akhrisan waraaqda go’aanka BFA waqtigeeda waxa aad ka baaqanaysaa ballantii.

Ganaaxa iyo in loo bixiyo qayb qayb

Miyaad jabisay sharciga? Miyaad heshay ganaaxa?
Haddii ay haa tahay, waa in aad bixisaa lacag.
Maxaa dhacaya haddii aadan haysan lacag ku filan oo aanad bixin karin ganaaxa si dhaqso ah? Waad waydiin kartaa: ma u bixin karaa ganaaxa qayb qayb? Ma u bixin karaa qayb qayb yar bil kasta? Taasi waxa layidhaa bixinta “qayb qayb” (“Ratenzahlung”).
Miyaad rabtaa in aad u bixiso qayb qayb? Usheeg maamulka oo ku siiyay ganaaxa sida ugu dhaqsaha badan.
Digniin: Haddii aadan bixin ganaaxa ama aadan awoodin in aad bixiso ganaaxa, waxa laguu diri doonaa jeel.

Ganaaxa iyo dib u bixinta

Miyaad burisay sharciga oo aad heshay ganaax? Waa in aad lacag bixisaa. Kawaran haddii aadan haysan lacag kugu filan hadda oo aadan bixin karin ganaaxa si dhaqsa ah. Markaa waad waydiin kartaa: ma bixin karaa ganaaxa mar kale?
Haddii maamulku kuu ogolaado in aad bixiso ganaaxa mar danbe (“Stundung”).
Miyaad rabtaa in aad dib ka bixiso (“Stundung”)? Usheeg maamulka ku siiyay ganaaxa sida ugu dhaqsaha badan.

Lataliyaha sharciga ah

Lataliyahaaga sharciga (“Rechtsberater”) waxay ku siin doonaan xog ku saabsan nidaamka magangalyada.
Lataliyahagu sidoo kale waxay kaa caawin doono haddii aad u baahantahay racfaan.
Marka aad hesho waraaqda go’aanka BFA, waxaad sidoo kale heli doontaa “waraaqda macluumaadka” (“Verfahrensanordndung”). Waraaqdan macluumaadka waxay kuu sheegi doontaa halka aad u aadi doonto talo sharci ah.
Waa in aad aaddo Verein Menschenrechte Österreich ama ARGE Rechtsberatung (Diakonie and Volkshilfe). Aad lataliyahaaga sharciga ah (“Rechtsberater”) sida ugu dhaqsaha badan ee aad u hesho warqadda macluumaadka.

Xaqa racfaanka

Waxa aad heshay waraaqda go’aanka ee BFA oo aad kugu iman doonto boosto. Maxaa dhacaya haddii aadan taageersanayn go’aanka?
Waxa aad ka heli kartaa macluumaadka xaqa aad u leedahay racfaan (“Rechtsmittelbelehrung”) oo ku xusan dhammaadka ogysiiska.
Macluumaadka ku saabsan xaq u yeelashadaada racfaanka waxa laguu gu sheegi doona waxa aad ka qaban kartid haddii aad ka soo horjeeddo g’aanka.
Waxa ay kuu sheegaysaa mudada aad racfaan ugu diran kartid maxkamadda.
Waxay ku qorantahay luqad aad fahmi karayso.

Waqtiga xaddidan ee racfaan

BFA waxay go’aan sadeen in aanay ku siinin magangalyo. Miyaad filaysaa in go’aanku khaladyahay? Waxa aad waydiin kartaa maxkamadda in go’aankani khaldanyahay.in aad u baahan kartid in aad qorto racfaan.
Lataliyahaaga sharciga (“Rechtsberater”) ayaa ku caawin doona. BFA waxay ku siinaysaa waqti xaddidan oo aad ku qorato racfaan. Taasi waxa layidhahdaa “waqtiga xaddidan ee racfaanka” (“Rechtsmittelfrist”).
Waqtigaa kadib, ma qoran kartid racfaan.
Miyaad doonaysaa in aad ogaato waqti intee leeg ayaad u haysataa in aad qorato racfaan?
Waxa aad ka heli kartaa waqtiga xaddidan (“Rechtsmittelfrist”) taas oo ku xusan dhammaadka ogaysiiska. Waqtigaa xaddidani wuxuu kaaga bilaabanayaa marka aad warqadda ka hesho ninka boostada.
Haddii aanad guriga joogin, ninka boostada ayaa u qaadaya warqadda xafiiska boostada. Haddii taasi dhacdo, waqtiga xaddidani wuxuu ka bilaabanayaa marka ninka boostadu uu u gudbiyay waraaqda xafiiska boostada. Waxa aad heli doontaa waraaqda jaallaha ah sanduuqa boostada oo laguu sheegi doono in aad qaadato waraaqda go’aanka ee BFA

Go’aanka celinta

Awsteriya waxay dhihi kartaa: waa in aad ku noqotaa dalkaagi hooyo! Taasi waxa la yidhaa “go’aanka celinta” (“Rückkehrentscheidung”).
Waxa aad heli doontaa go’aanka celinta haddii Awsteriya diiddo in ay ku siiso magangalyo, daryeelka aasaasiga ah ama xaqa negaanshaha.
Waa in aad u hoggaansantaa go’aanka, marka aanad intaa kadib racfaan qaadan karin.

Xayiraad

Maxaa dhacaaya haddii Awsteriya go’aan ku gaadhay in ay ku musaafuriso oo maamulkuna moodo in aad baxsanayso ama dhuumato? Xaaladdaasi, booliiska ayaa kuu kaxaynaya “xayiraad” (“Schubhaft”).
Waxa lagugu hayn doonaa xarunta xayiraadda. Habkan, maamulka ayaa hubin kara in lagu musaafurin karo.
Booliiska looma ogola in qof walba lageeyo xarunta xayiraadda. Booliisku waxa uu xayirikaraa oo kaliya haddii ay moodaan in aad dhuumanayso, ama baxsanayso. Taasi waxa layidhaa“khatarta dhuumashada Fakashada” (“Fluchtgefahr”).
Haddii aad ka hortimaado go’aanka lagugu xayiri karo? Waxa aad racfaan uqoran kartaa maxkamadda (BVwG).
Taasi waxa layidhahdaa “racfaan ka qaadasho xayiraadda ka horraysa musaafurinta” (“Schubhaftbeschwerde”). Waxa aad leedahay xaq talo sharci inta lagu guda jiro racfaanka.

Warqadda go’aanka

Maamulka ayaa ka gaadhi doona go`aan warqadda go’aanka.
Warqadda go’aanka waxay ka koobantahay qaybo badan oo muhiim ah, laakiin “qaybta go’aanka” (“Spruch”) taasi muhimmad gaar ah ayay leedahay.
Maamulka go’aan kooda ugu wayn waxa ay ku sugantahay qaybta go’aanka.
Tusaale ahaan qaybta go’aanka waxay sheegaysaa, in lagu siiyay magangalyo, kaabidda asaasiga ah (Fiiso) ama xaqa negaanshaha iyo inkale.

Carruurta aan Walidkood lasocon

Carruurta aan lala socon (“unbegleitete minderjährige Flüchtlinge” – UMF) waa magangalyo doon kuwaas oo ka yar 18 sano jir kuwaas oo ku sugan Awsteriya iyaga oo aan dad waawayni la socon.
UMF waa carruur iyo dhallinyaro ka soo qaxay dalalkoodii oo iskood u socda.
Tusaale ahaa: gabdh 16 jir ah oo timi Awsteriya iyada oo aan waalidkeed lasocon ama dad waawayn oo qaraabadeeda ah sida (adeer, abti, eedo, habaryar, walaalo waawayn, ayeeyo, awoowe). Gabadhaasi waa carruur aan lala socon ama UMF.
Tusaale ahaan: labo walaalo ah oo, 12 jir iyo 15 jir ah, kuwaas oo yimi Awsteriya iyaga oo aan waalidkood wehelin ama dad waawayn oo qaraabadooda ahi wehelin. Carruurtaasi waa carruur aan lalasocon UMF.
Tusaale ahaa: wiil dhallinyaro ah oo 17 jir wuxuu yimid Awsteriya oo la socday abtigiis ama adeerkiis. Abtigii/ adeerkii aanu joogin Awsteriya ama uu dhintay. Wiilkaa dhalin yarada ahi hadda wuxuu joogaa Awsteriya kaligiis. Wuxuu yahay carruur aan lalasocon UMF.

Letztes Update am 10.01.2017